Guddiga FEIT oo soo saaray digniin ku socoto xubno ka mid ah Guddiga

50

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashooyinka ee FEIT ayaa looga hadlay go,aankii ay ka qaateen deegaan doorashada labaad ee Garbahaarey ee Gobolka Gedo, waxaana ay sheegeen in go,aankaas wali uu yahay mid sidiisa u jira.

Guddiga ayaa hore u shaaciyay in kuraastii 16-ka ahayd ee taalay Garbahaarey loo wareejiyay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo sababo jira owgeed.

Sidoo kale, qoraalka guddiga ayaa baaq loogu  diray xubin walba oo guddiga ka tirsan oo qaada talaabo aan waafaqsaneyn go’aankii Guddigaas.

“Guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal FEIT waxaa uu baaq u dirayaa xubin walba oo guddigan FEIT ka tirsan oo qaada talaabo aan waafaqsaneyn go’aankii guddiga ee kor ku xusan ay ku sifoobi doonaan kuwo caqabad ku ah hanaanka geedi socodka iyo dhameystirka doorashooyinka, cawaaqib xumada ka dhalatana ay masuuliyadeeda iyagu qaadi doonaan.”ayaa lagu yiri qoraalka Guddiga FEIT.