Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP-106 oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa galabta ka dhacday magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Cismaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) ayaa ku guulaystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#106, halka saddex musharax ee la tartamay ee kala heleen:- Yahye Abuukar Aadan 25, Bashiir Maxamed Yuusuf 20, Fowziya Sheekh Cali Maxamuud O. mana jirin cod halaabay.
Kursigaan oo ay hore ugu fadhiday Xildhibaan Mino Xasan Shibis, waxaa loo galay tartan adag, waxaana isu diiwaan galiyay musharixiin gaareysa lix oo afar kamid ah tartanka ka qeyb galeen