Guddiyada Galmudug iyo Somaliland oo soo wareejiyay Xildhibaanada cusub ee la doortay

19

Guddiga Hirgalinta Doorashadinka Heer Dowlad Gobaleed SEIT Galmudug ayaa ku wareejiyey Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal document-yada 45-ta Xildhibaan ee laga soo doortay Dowlad Gobleedka Galmudug, kuwaas oo oo kala ah 37-da kursi ee Golaha Shacabka iyo 8-da kursi ee Aqalka sare, ayada o doorashadooda ay ka qabsoomtay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo oo ah deegaan doorasha Galmudug.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Galmudug Maxamed Dahir Guled ayaa Guddiga  Doorashada heer Federaal (FEIT) oo uu wakiil ka yahay Maxamed Aadan Cismaan ku wareejiyay xogta Xildhibaanada labada Aqal ee lagu soo kala doortay Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.

Dhanka kale Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa ku wareejiyay Guddiga doorashooyinka heer Federaal faylka Xildhibaanada cusub ee lagu doortay Muqdisho.