Guddi ka socda UN-ka oo Muqdisho ka bilaabay baaritaanka xaquuqda Aadanaha

20

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Xasan Xuseen Xaaji oo ay ku wehliyaan la-taliyaasha iyo agaasimayaasha Wasaaradda ayaa Wasaaradda ku soo dhaweeyey wafdi ka socda xafiiska UNSOM iyo Qiimeeyeyaasha madax bannan ee arimaha xuquuqda aadanaha oo ka socday UN ka. si ay uga gun garaan xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa siiyey Xubnaha wafdiga warbixin dhameystiran taas oo ku saabsan xeerarka xuquuqda aadanaha iyo horumarada laga sameeyey sharciyada quseeya xuquuqda aadanaha.

Wasiirka Cadaaladda wuxuu caddeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka goโ€™antahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, ayna u hoggaansan tahay sharciyada iyo heshiisyada caalamiga ah, la shaqeyn doonto cid walba oo diyaar u ah inay sare u qaaddo xaqiijinta xuquuqda aadanaha, isagoo sidoo kale uga mahadceliyey booqashadooda ay ugu kuur gelayeen xaaladda Xuquuqda aadanaha Soomaliya.