Madaxtooyada Soomaaliya Oo Furtay Shir Lagu Diyaarinayo Qorshe

19

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Ciise (Maxamed Dheere) oo Waaxyaha kala duwan ee Madaxtooyada Qaranka u furay shir looga hadlayey dejinta qorshe hawleedka Madaxtooyada Qaranka, ayaa bogaadiyey hawlaha hortebinta leh ee ay shaqaalaha Madaxtooyadu qabteen saddexdii bilood ee la soo dhaafay.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ayaa dhammaan Waaxyaha Madaxtooyada faray in ay mar walba soo gudbiyaan qorshe hawleedkooda oo saddex biloodle ah, si waafaqsan Qorshaha Sagaalaad ee Horumarinta Qaran iyo hiigsiga Madaxtooyada.

ulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay qorsheyaasha saddexdii bilood ee la soo dhaafay u hirgalay Waaxyaha Madaxtooyada Qaranka, caqabadaha ka hor yimi iyo fursadaha lagu sixi karo, sidoo kale na waxa ay dhammaan Waaxyuhu halkaas ku diyaariyeen qorshe hawleedka saddexda bilood ee soosocota iyo shaqooyinka hortebinta u leh hawlaha Madaxtooyada.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise ayaa dhammaan hawl-wadeennada kula dardaarmay dardar gelinta shaqada ay qaranka u hayaan, isaga oo bogaadiyey hawl-wadeenno madasha lagu guddoonsiiyey abaal marinta shaqo wanaagga ee shaqaalaha Madaxtooyada Qaranka.