Khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Saldhiga Af-urur oo kordhay

18

Waxaa la sheegay in uu kordhay khasaaraha dhimasho iyo mida dhaawac ee ka dhashay dagaal saacado badan qaatay oo Waaberigii hore ee saaka ciidamada maamulka Puntland iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ku dhexmaray tuulada Af-urur ee Gobolka Bari.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ay Al-Shabaab ku qaadeen Weerar ku biloowday Hoobiyeyaal iyo hubka fudud Saldhiga Ciidamada Daraawiishta Puntland ee degaanka Af-urur.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen ilaa 5 Askari halka ay ku dhaawacmeen Sagaal kale, kuwaas oo dhaawacooda la geeyay Isbitaalka degaanka Bilcil ee Gobolka Bari.

Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaan weli wax faah faahin ah ka bixin dagaalka balse Al-Shabaab oo sheegtay ay sheegeen inay cagta mariyeen ciidamadii joogay Saldhiga lana wareegeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya tuulada Af-urur ee duleedka Magaalada boosaaso ayaa sheegaya in xaaladda ay tahay mid degan, hayeeshee dhaq dhaqaaqyo Ciidan iyo howlgallo ay wadaan Ciidamada Puntland.