K/Galbeed oo guddiga FEIT ku wareejisay Galka Faylasha 77- Xildhibaan

55

Guddiga Maamulka Doorashada DG Koofur Galbeed ayaa maanta Xubna ka socdey Gudiga dooorashooyinka Heer Fedearal ee FEIT ku Wareejiyey Galka Faylasha  77- Xildhibaan oo labada aqal ah kuwaas oo dhawaan lagu kala doortay Magaalooyinka Baydhabo iyo Baraawe.

Guddiga doorashooyinka heer federal ayaa hore jadwalka dhameystirka doorashada ku xusay in 24 bishaan ee march sanadka 2022  ay hubin doonaan dhammaan xogta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee labadiisa Aqal.

Sidoo kale, Guddiga Doorashooyinka ee FEIT ayaa yiri ”Waxaan ku boorrinaynaa dhammaan Guddiyada dhimman ay soo gudbiyaan dhammaan xogta doorashada, si loo dhammeystiro Jadwalka Doorashada ee aan dhawaan shaacinnay.”

Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS, waxaa lagu waday in lagu soo gabagabeeyo 15 bishaan march 2022 balse dib u dhac kale ayaa ku yimid, maadama maamul goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabeelle aysan soo dhameystiran kuraasta deegaan doorashadoodu kale tahay Magaalooyinka Garbahaarey iyo Beledweyne.