Doorashada kursigii uu u tartami lahaa Sanbaloolshe oo dib loo dhigay

38

Waxaa dib u dhac ku yimid doorashada kursiga Hop058  ee Golaha Shacabka, kaas oo Maanta la filayay in guddiga doorashooyinka Maamulka Hir-Shabeelle ay doorashadiisa ku qabtaan magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle ayaan weli shaacin sababaha dib loogu dhigay doorashada, balse Wararka Risaala heshay ayaa sheegaya in uu is qabqabsi weli kajiro Ergada dooraneysa Kursiga.

Maalinta Berito ah ayaa la filayaa in la qabto doorashada Kursiga Hop#058, waxaana ku tartami doona 7 Musharrax oo uu kujiro Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, waxaana musharrixiinta ay kala yihiin.

1: Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

2: En, Yoonis Maxamed Nuur.

3: Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

4:Cabduqaadir Xuseen Coloow.

5: Maxamuud Afdhuub Makaraan

6: Cabdullaahi Axmed Xuseen

7: Ubax Cali Sheegow