Taliyaha qeybta 27-aad oo kulan la qaatay Saraakiil ku sugan Buulaburde

63

Taliyaha Qeybta 27-aad ee ciidanka dhulka xooga dalka Soomaliyeed Gen, Axmed Maxamed calasoow {Tareedishe} ayaa gaaray degmada Buulaburde ee Gobalka Hiiraan, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Qeybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka.

Taliyaha ayaa markii uu gaaray degmada Buulaburde, wuxuu kulamo la qaatay Saraakiisha ciidamada, isagoo ka xog wareystay  dhamaantood xaaladda amni ee degmadaas, dhankoosa Saraakiisha waxaa ay  warbixin ka siiyeen taliyaha xaaladda guud ee degmada Buulaburde.

Taliyaha waxaa safarkiisa ku wehlinayay Taliyaha Guutada Afaraad ee qeybta 27aad Janeraal Saneey Cabdulle & Saraakiil kale.

Sidoo kale, Taliye Tareedisho ayaa ku amaanay shaqada ay qaranka u hayaan Saraakiisha iyo ciidamada Qalabka sida, waxuuna sidoo kale  ku dhiira-galiyay in loo adeego Qaranka lagana difaaco cid kasta oo wax u dhimaysa oo ay ugu Horeeyaan Al-Shabaab.

Warar soo baxaya oo la xiriira safarka Saraakiishaan ayaa sheegaya in ujeedka safarkooda uu salka ku hayo in duulaan ay ku qaadaan farsiimaha Al-shabaab ay kaga sugan yihiin deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan sidoo kalena howlgallo ka sameeyaan, iyagoo halkaa ku sugnaan doono maalmo Saraakiisha.