Dagaal ka dhacay Gobolka Bakool iyo faah faahin laga helayo

21

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed iyo Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Waajid oo oo kamid ah degmooyinka Gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga a dowladda iyo kuwa koonfur Galbeed ee degmada Waajid, waxana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheeeen in dagaalka uu khasaaro dhaawac ah kasoo gaaray dhinacyada dagaalamay & dad Shacab ah, hayeeshee xaalada degmada ay Maanta tahay mid degan.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka Al-Shabaab kusoo qaadeen , isla markaana dagaal ay la galeen ay khasaaro ku gaarsiiyeen wallow faah faahino intaasi ka dheer aan laga heyn dagaalka.

Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka u go’doonsan Ururka Al-Shabaab, waxaana mararka qaar weerar kusoo qaada dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab.