Maxey ka wada hadleen Dowladdaha Somalia iyo Qatar ?

19

Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Dooxa ayaa halkaas kula kulmay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Qatar, sidoo kale ah Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga Khalid bin Mohammad Al Attiyah.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Qatar, ahna Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga waxaa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka & Iskaashiga Soomaaliya & Qatar gaar ahaan labada wasaaradood.

Sidoo kale, dhankiisa Wasiirka Gaashaanshigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa aad ugu  mahadceliyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Qatar Khalid bin Mohammad Al Attiyah martiqaadka iyo soodhaweynta Maamuuska sare leh ee uu ugu sameeyay dalkaasi Qatar.