Poland oo Midowga Yurub u dirtay dalab ka dhan ah Ruushka

19

Ra’iisul wasaaraha Poland Mateus Morawiecki ayaa ugu baaqay Madaxda Midowga Yurub inay gabi ahaanba mamnuucaan ganacsiga kala dhexeeya Ruushka.

Morawiecki waxa uu sheegay in uu doonayo in Ruushka laga go’doomiyo badda iyo barrigaba, si uu u joojiyo dagaalka Ukriane uu ka wado.

“In si buuxda loo mamnuuco ganacsiga Ruushka waxay ku qasbi doontaa inuu tixgeliyo inay fiicnaan lahayd in la joojiyo dagaalkan naxariis darrada ah,” ayuu yiri.

Midowga Yurub ayaa horey u soo rogay xayiraado ganacsi oo ku saabsan Ruushka qaybo muhiim ah, oo ay ku jiraan alaabta, birta iyo tamarta. Poland – oo xuduud dhan 535km la wadaaga Ukraine – ayaa ka mid ahayd dalalka in cunaqabatayn adag la saaro Ruushka.