Khilaaf markale soo kale dhexgalay M/weynaha Hir-shabeelle iyo Ku-xigeenkiisa

54

Madaxda ugu Sarreysa Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa la sheegay in khilaaf xoogleh uu soo kale dhexgalay, kaas oo la xiriira hanaanka loo qabanyo doorashada saddex kursi iyo cida maamuleysa kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Khilaafka waxaa uu u dhaxeeyaa Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, iyadoo khilaafka uu salka ku hayo kuraas Seddex ah si gaar ah midka Hop#135 oo ay ku fadhaiso Xildhibaan Aamino Maxamed.

Madaxweynaha Hir-shabeelle ayaa la tilmaamay in uu Ku-xigeenkiisa ka biyo diidan yahay kuraas la sheegay in si gaar ah uu u rabo si dad uu wato ay ugu soo baxaan.

Dhinaca kale, war kasoo baxay Xildhibaan Aadan Kaladire oo kamid ah Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa lagu sheegay in howlaha doorashooyinka uu mas’uul ka yahay madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle, isagoo  xusay in cid kasta oo caqabad ku noqoto ay diyaar u yihiin in ay iska hor leexiyaan.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed ayaa hore si cad u sheegay in uu boobi doono kuraasta Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Beledweyne lagu doorayano, iyadoo taasu ay ka dhalatay hadal heyn kale duwan, inkastoo aan la ogeyn halka uu ku dambeyn doono khilaafka labada dhinac markale soo kale dhexgalay.