Golaha Wasiiradda oo meelmariyay Miisaaniyadda Dowladda

55

Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa meelmariyay Miisaaniyadda Dowladda ee bilaha April ilaa June.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa golaha wasiirrada u soo bandhigay Miisaaniyadda Kumeel Gaarka  ah oo faahfaahsan una sharaxay muhiimada ay u leedahay dalka, iyadoo goluhu si buuxda  u meel mariyay miisaaniyadda rubaca labaad ee sanadka, si aysan hakad u galin howlaha dowladda, maadaama dalku ku jiro doorashooyin.

“Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare  Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyey Miisaaniyad KMG ah oo dhan  $ 206,474,223, taasoo loo qoondeeyey howl fulinta dowladda ee bilaha April ilaa June ee sanadkan” ayuu yiri Wasiir Beyle

Shirka Golah Wasiirrada ayaa sidoo kale looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka oo heer gabagabo ah maraayo iyo dadaallada dowladda ee wax ka qabashada abaaraha dalka ka jira.