DF Soomaaliya oo ka hadashay sababta ‘kororka Qiimaha Shidaalka

44

WarSaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Batroolka XF Soomaaliya ayaa looga hadlay Kororka ku yimid qiimaha Shidaalka oo maalmahan ay cabasho ka muujinayeen Shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda ayaa sheegtay in qiimo kororka shidaalka ku yimid uu sababay dagaalka u dhaxeeya Ukraine iyo Ruushka oo ah wadamo soo saara Shidaalka.

Sidoo kale, waxaa WarSaxaafadeedka lagu sheegay in kulan deg deg ah ay la yeelan doonaan Ganacsatada Shidaalka, isla markaasna wax laga qaban doono qiimo kororka ku yimid qiimaha Shidaalka.

Wasaaradda waxaa ay Ganacsatada ugu baaqday in ay u naxariistaan bulshada, si looga hortago waxyeelada kororka Qiimaha Shidaalka.

Hoos ka akhriso WarSaxaafadeedka