K/galbeed oo lix kursi doorashadooda ku qabatay Bay

38

Maanta oo khamiis ah magaalada Baydhabo waxaa lagu doortay kuraas ka mid ah kuwa Golaha Shacabka ee BFS, kuwaas oo ay deegaan doorashadoodu tahay Magaaladaas.

Kursiga Hop#253, waxaa ku guuleystay Aadan Maxamed Cali, isagoo helay Codad gaaraya 70-cod, halka musharaxii la tartamayey Cabduqaadir Ibraahim Buule 21-cod.

Sioo kale, Kursiga ee Hop#178, waxaa ku soo baxay Cabdullaahi Maxamed Cali, isagoo helay isla 70-cod, halka musharax Bile Xasan Cabdi oo la tartamayay uu helay 25-cod.

Kursiga Hop#050, waxaa doorashadiisa ku guuleystay Axmed Shekh Maxamed (Mashruuc), isagoo helay codad gaaraya 80-cod, halka musharaxii la tartamayey Maxamed Ibraahim Aadan 14-cod.

Sidoo kale, kuraasta lagu qabtay doorashadooda waxaa ka mid ah Kursiga Hop#230, iyadoo doorashadiisa uu ku guuleystay Jaamac Taqal Cabaas, kaas oo helay codad gaaraya 77-cod, halka musharaxii la tartamayey Cabdi Cali Cumar 23-cod.

Kursiga Hop#183, waxaa ku guuleystay doorashadiisa mukhtaar Maxamed Guuleed, isagoo helay codad gaaraya 83-cod, halka musharaxii la tartamayey Xuseen Cali Aadan uu helay 16-cod.