Guddi uu RW Rooble magacaabay oo maanta la kulmayo M/weynaha Jubbaland.

64

Madaxtooyada Maamul Goboleedka Jubbaland waxaa lagu wadaa in maanta oo khamiis ah uu ka dhaco kulan ay yeelanayaan Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Maxamed Islaam iyo Xubnihii Guddiga ahaa ee uu Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble u u magacaabay qiimeynta ay ku soo sameeyeen xaaladda Magaalada Garbahaareey oo la filayo in lagu qabto doorashada Golaha Shacabka ee BFS.

Xubnaha Guddiga uu hoggaaminayo Guddoomiyahaha Guddigaas Cumar Maxamed Cabdulle dhagey ayaa tilmaamay in in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ay ka dhageysan doonaan warbixintiisa iyo taladiisa la xiriirta sida ay usuurta gali karto in doorasho lagu qabto degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Xubnaha Guddiga ay intaasi kadib tegi doonaan degmada garbahaareey si ay u qiimeeyaan xaaladda Amni, sida degmada ugu diyaarsan tahay qabashada doorashada, Agabka loo baahan yahay iyo wadatashi ay la yeelanayaan bulshada magaalada si ay aragtiyadooda u weeydiiyaan.

Dhawaan ayey ahayd markii xubnaha qaar ee Guddiga ay gaareen magaalada Kismaayo kuwaa oo halkaa u tagay in qiimeyn ay kusoo sameeyaan sida ay doorasho ugu dhici karto deegaan doorashada labaad ee Jubbaland, inkastoo ay xusid mudan tahay in khilaaf uu hareeyay qabashada doorashada 16 kursi oo taala Garbahaareey taas oo u dhaxeysa dhinacyo Seddex geesood ah.