Mareykanka oo mar kale hanjabaad u diray Madaxda Soomaalida

25

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa Madaxda Soomaalida u soo jeedisay in ay Doorashada Golaha Shacabka ku soo gaba gabeeyaan, xilligii ay hore ugu heshiiyeen ee 25 bishaan February.

Qoraal lagu daabacay Bogga Safaaradda ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay in aanu la xisaabtami doono cidii isku dayda in caqabadeyso Doorashada Golaha Shacabka.

“Waxaan mar labaad ugu baaqaynaa madaxda #Soomaaliya inay ka dhabeeyaan ballan-qaadkoodii ahaa in shacabka Soomaaliyeed lagu soo dhameystiro doorashada baarlamaanka si lagu kalsoonaan karo oo daah-furnaan ah 25-ka Feberaayo. Dowladda Mareykanka waxay la xisaabtami doontaa ciddii carqaladeysa ama carqaladeysa hannaanka” ayaa lagu yiri Qoraalka.