Axmed Madoobe oo la kulmay xildhibaano maanta lagu doortay Kismaayo

71

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay xildhibaanada Cusub ee maanta lagu doortay Magaalada Kismaayo.

Xildhibaanadan oo kala ah, Nasro Mahdi Caraale, Saadaq Cabdullahi Cabdi, iyo Cadar xareed jibriil ayaa kamid noqonaya Xildhibaanada golaha shacabka ee BJFS.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu xildhibaanada kula taliyay in ay ka shaqeeyaan horumarka dowladnimada.