Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay Xubno katirsan Baarlamaanka UK

44

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay wafdi xildhibaanno ah oo ka socda Baarlamaanka dalka Uk oo uu hoggaaminayo MP. Gavin Williamson.

Madaxweynuhu waxa uu uga mahadnaqay xildhibaannada, Baarlamaanka UK dhawaan horgeeyeen qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland, doodihii cad-caddaa ee ay badka keeneen iyo adkaynta xiriirkii soo jireenka ahaa ee hore uga dhexeeyey labada dal, isaga oo soo dhaweeyey booqashada rasmiga ah ee ay ku tageen Somaliland.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu fariin u diray dhammaan baarlamaanada kale ee caalamku inay ku daydaan baarlamaanka Uk oo ay ku dhiirradaan inay horkeenaan golayaashooda doodda la xiriirta madaxbannaanida Sonaliland, maaddaama wakhtigani yahay kii ay Somaliland iyo Shacbigeedu Sugayeen xaqii ay beesha caalamka ku lahaayeen.

Ugu danbayn madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay dawladda Uk inay ballaariso xafiiska dawladda Ingiriisku ku leedahay caasimada Somaliland ee Hargeysa si uu u bixin karo adeegyo bulsho oo dhamaystiran.

Kulankan waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Ingiriiska Amb. Cabdi Cabdilaahi Diiriye.

Xubnaha Wafdiga waxay kala ahaayeen, Hon Gavin Williamson CBE, MP Lord Stuart Polak, Lord Edward Udny Lister iyo Hon Alun Cairns MP.