Jadwalka doorashada Xidlhibaanada Banaadiriga oo la shaaciyay

54

Guddiga Maamulka Doorashooyinka Xildhibaanada Banaadiriga ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada 5ta kursi ee beelaha BANAADIRIGA ku matali doona Golaha Shacabka ee lagu dooran doono Magaalada Mogadisho.

Kuraasta ay shaaciyeen Guddiga ayaa waxaa ay kala yihiin. Hop#265, Hop#266, Hop#105, Hop#084, Hop#034.

Xubnaha horey ugu fadhiyay kuraastan ayaa waxaa ka mid ah, lufti Shariif  Maxamed  Cumar, Biibi Khaliif Maxamed, Neylaani Nuur Iikar, Fahma Axmed Nuur iyo Khaalid Macoow Cabduqaadir.