Koofur Galbeed oo amar dul dhigtay Musharixiinta u tartameysa Golaha Shacabka

26

Wasaaradda Amniga Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saartay amar ku socda Musharixiinta u tartameysta kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan Doorashadooda tahay maamulkaasi.

WarSaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga ayaa lagu sheegay in aan hub iyo ciidan ay wataan Musharixiinta aysan ka soo dagi karin deegaanada maamulkaasi.

Arrintan ayaana ku soo aadaysa xilli maanta Garoonka Aadan Cadde laga hor istaagey in uu ka dhoofo Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.