Waxaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee casimadda dalka Gaar ahaan dugsiga Janaraal Kaahiye Doorashada afar kursi oo kamid ah Golaha Shacabka kuwaa oo kala ah HOP268, Hop 267, Hop 236, Hop 269.
Doorashadda afartani kursi waxaa Goob joog ka ahaa Xubno katirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada ee ka hawl galaya Doorashada Somaliland oo maanta ka dhacday Dugsiga Janaraal Kaahiye.
Kursiga Hop#268 oo Doorashadiisa laqabtay waxaa kuwada tartamayay musharixiinta kala ah
1.Maxamed Cali Xagaa iyo, Axmed Muumin Waaliye
Musharax xildhibaan Axmed Muumin Waaliye Ibraahim ayaa ka tanaasulay tartanka.
musharax xildhibaan Maxamed Cali Xagaa ayaa loo qaaday codka kalsoonida ee Ergada oo ay soo xaadireen 99 Ergay, waxa uuna helay 98 ,waxa ka aamusay 1 ergay.
Kursiga Hop-267 oo Doorashadiisa la qabtay waxaa kuwadda tartamayay musharixiinta kala ah 1Musharax xildhibaan, Saynab Maxamed Caamir iyo Musharax Xildhibaan, Sucaado Muumin Maygaag
Sucaado Muumin Maygaag ayaa ka tanaasushay tartanka waxaana Saynab Maxamed Caamir loo qaaday codka kalsoonida ee Ergada oo ay soo xaadireen 99 Ergay, waxa ayna heshay 97 oo codka kalsoonida ah, 2 qof ayaa ka aamusay.











