Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa aqalka martida ku qaabilay Safiirka Dowlada UK ee Soomaaliya Kate Foster, iyo wafdi ay hogaaminayso.
Kulanka axmed madoobe iyo Safiirka Dowlada UK ayaa looga hadlay xaalada abaaraha iyo saamaynta ay ku yeesheen dadka ku nool deegaanada qaar, ee Dowlada Goboleedka Jubaland, Waxaana Maamulka Axmed Madoobe Safiirka UK u shegay in bilihii lasoo dhaafay gurmad baaxad leh ay u sameeyeen Dadka ay abaarahu saameeyn, sidoo kalana kaalmo kala duwan ay gaarsiiyeen dadka ay dhibaatadu gaartay.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay arimaha doorashooyinka golaha shacabka oo qaybo badan oo dalka kamid ah kasocda, waxaana Maamulka Axmed Madoobe sidoo kale safiirka UK u sheegay In ay wadaan Doorasho saldhigeedu yahay Hufnaan iyo Cadaalad.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa uga danbeeyntii uga mahadceliyey Safiirka UK Kate Foster, iyo wafdiga ay hogaaminaysay garab isgaaga ay u fidisay Dowladda UK Shacabka ay abaaruhu sameeyn, Dhankeeda Kate Foster, ayaa uga mahad celisay Axmed Madoobe Soo dhaweeyntii uu sameeyay Iyadoona balan qaaday Sii wadista Kaalmadda dadka ay abaaruhu Sameeyeen ee ku dhaqan degaanadda Jubbaland











