Wasiirka Gaashaandhiga oo Talyeyaasha ciidamada faray in ay fuliyaan Amarka Xukumadda

145

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa talyeyaasha Ciidamada Miletiriga iyo Booliiska ku amray in a fuliyaan amarka ka soo baxay Golaha Wasiirada maalintii magaalada Beledwayne laga soo qaado ciidamada la geeyay.

“Waa in laga soo saaro ciidamada la geeyay Beledwayne, xukumadda qoraalkeeda waa in la fuliyo,  dowladnimadu waxaa ay dhigeysa in kala dambeyn lagu wada shaqeeyo” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Wasiirka ayaa sheegay in aysan jirin baahi ciidan oo ka jirta magaalada Beledwayne, maadaama ay ku sugan yihiin qeybanaha kala duwan ee ciidamada iyo Ciidamada AMISOM.

Sidoo kale waxaa uu maamulka Hirshabeelle ugu baaqay in ay sifo sharci ah u soo maraan, haddii ay doonayaan ciidamo dheeraad ah.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya, xilli Talyaha Ciidamada Militeriga Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage uu sheegay in ciidamada la geeyay Beledwayne ay yihiin ciidamo la dagaalamaya Al-Shabaab.