Hir-Shabeelle oo shaacisay Magacyada Odayaasha soo xulaya Ergada lix Kursi

41

Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Hirshabelle ayaa Maanta oo Jimce ah waxaa ay shaacinayeen magacyada odayaasha dhaqanka iyo Ururada bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada 6-dii kursi oo uu guddigu shaaciyey 25/1/2022.

Kuraasta lixda ah ee la soo saaray Odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada rayidka Ergadii u xuli laheyd oo doorashadooda oo maalmaha soo socda lagu qabanayo Magaalada Jowhar ayaa waxaa ay kala yihiin.

1: HOP#005  oo uu hadda ku fadhiyo Maxamed Cumar Ceeymooy oo ah Wasiirka Beeraha Maamulka Hir-Shabeelle.

2: HOP#033 oo uu ku fadhiyo Yuusuf Ibraahim Afrax( Kabaale)

3:HOP#052 oo ay ku fadhiso Farxiyo Maxamuud Dhakane.

4: HOP#088 oo ay ku fadhiso Dahabo Suusow Maxamuud.

5: HOP#097 oo ay ku fadhiso dhowrkii sano ee la soo dhaafay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Khadiijo Maxamed Diiriye.

6:HOP#098 oo uu ku fadhiyo Maxamuud Maxamed Jimcaale

31-da Bishaan oo ku beegan Maalinta Isniinta ah ee todobaadka soo socda ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ay ka dhacdo doorashada lixdaan Kursi, waxaana Magaalada laga dareemayaa diyaar garoow xoogan