Yuusuf Dabageed oo Ciidamadii Beledweyne la geeyay kula hadlay gudaha xarunta Lamagalaay.

36

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Gobolkeedka Hir-shabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo Goordhaw Gudaha Magaalada baladweyne ee Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle  kula hadlayay Ciidamada Gaar ah Gorgor iyo kuwa Haramcad oo Baladweyne Maanta Gaaray  ayuu Madaxweyanahu Marka hore uga Mahadceliyay Dowladda federaalku Soomaaliya Sida Wanaagsan oo ay u dhistay Ciidamada Xooga dalka,

Madaxweyne Dabageed ayaa dhanka kale  Ciidamada kula Dardaraamay Xaqiijinta Amaanku Dowlad Gobolkeedka Hir-shabeelle Gaar ahaan Magaalada baladweyne,

Beledweyne waxa shalay ka dhacay kacdoon hubeysan, kadib marki miliishiyo hubeysan oo ka soo horjeeda tagista magaaladaasi ee madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, ay qabsadeen qaar ka mid ah xaafadaha magaalada iyo wadooyinka muhiimka ah.

Lama oga sababta ciidamada dheeraadka ah ay dawladda federaalku saaka u geysay Beledweyne, waxaase arintaasi ka digay golaha kacdoonka gobolka Hiiraan.