Dagaal u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidamada dowladda oo ka socda Galgaduud

121

Dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada xoogga iyo dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka socdaa duleedka deeggaankq Ceeldheere ee gobolka Galgaduud.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in dagaalka xoogeysa uu ka socdo tuulada Sinadhaqo oo ku dhawaad 20KM u jirta deeggaanka Ceeldheere.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, kadib markii maanta Al-Shabaab ay qarax ku aaseen wadada isku xirta magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, islamarkaana ay haleeshay gaari ay saarnaayeen askar ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa in qaraxa uu ku geeriyooday Hal Askari, halka ku dhawaad 10 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxaasi,

Askarta qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay in ay ahaayeen ciidamo ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya.

Ma jiro weli wax faahfaahin ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee Soomaaliya.