Is rasaaseyn geysatay dhimasho & dhaawac oo ka dhacday degmada Guriceel

34

Israsaaseynta ayaa waxaa ay  u dhaxeeysay Ciidamadda Booliska Saldhigga Degmadda Guriceel iyo Ciidanka Gorgor ee Militariga, waxaana ay sigaar ah uga dhacday inta u dhaxeya Saldhigga ilaa  Shirkadda Beder 1 ee degmada Guriceel.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in is rasaaseynta ay ka dambeeysay isfahmaa ka dhashay Askar ka tirsan Ciidamadda Gorgor oo kamid noqday Dad ay xireen shalay Ciidanka Booliska laguna eedeeyay falal amni darro in ay qayb ka ahaayeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor oo ka carooday xariga Ciidamada kale ayaa gudaha u galay degmada Guriceel, taas oo keentay inay isku dhacaan iyaga iyo Ciidamada Booliska ee Saldhiga degmada Guriceel, waxaana inta la xaqiijiyay is rasaaseynta ku dhintay laba Askari halka laba qof kale oo mid kamid ah yahay Shacab ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in labada Ciidan ee degaalamay ay weli is hor-fahdiyaan, waxaana Ciidamada Gorgor ay joogaan Agagaarka Shirkadda Beder 1 halka Ciidanka Booliska ay ku suganyihiin Saldhiga Booliska ilaa dhabarka Dambe ee Quraca Maqaayadda Xadiyo Cad.

Bulshada kunool degmada Guriceel ayaa aad uga walaacsan dagaalkaan, waxaana maalmo ka hor ay aheyd markii Ciidamada Booliska iyo kuwa Gorgor ay sidaan oo kale ku dagaalameen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.