Golaha Wadashiga Qaran iyo Beesha Caalamka oo shir u socdo

50

Golaha Wadatashiga Qaran ee ka kooban Ra’iisul wasaaraha, Madaxda Dowlad Goboleeyda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa hadda shir la leh xubnaha Beesha Caalamka.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa warbixintooda la wadaagaya Golaha Wadashiga ee ku aadan muhiimada ay lee dahay in heshiis laga gaaro qoddobada muhiimka u ah in Doorasho dalka ka dhacdo.

Kulanka Golaha Watashiga ayaa waxa sidoo kale ka qeyb galaya xubnaha Bulshada Rayidka Matelaya si ay uga dhageystaan aragtidooda ku aadan qoddobada Shirka.

Dhowaan ayaa la filayaa in la soo gaba gabeeyo shirka, lagana soo saaro War-murtiyeed ku aadan qoddobada ay madaxdu ku heshiiyeen inta uu socday.

Dhowr jeer ayuuna dib u dhac ku yimid soo xirada Shirka, taasi oo ay sababtay In Madaxdu ay isku fahmi waayeen qoddobada qaar ee uu ugu horreyso mas’uuliyadda Amniga.