Mucaaradka oo Rooble ku taageeray dib u soo celinta xiriirka u dhexeyay dowladdaha Imaaradka iyo Soomaaliya

28

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku taageeray R/wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble dadaalka uu ku doonayo inuu dib usoo celiyo xiriirkii istaraatijiga ahaa ee ka dhaxeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo ay sheegeen in la xumeeyay sanadahii u dambeeyay.

Golaha Midowga Murashaxiintu, wuxuu uga mahadcelinayaa dawlada Isu-taga Imaaraadka Carabta deeqda ay maanta soo gaarsiiyey dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu wax-yeelleeyeen.

Goluhu wuxuu bogaadinayaa dadaalka R/wasaare Rooble uu dib ugu soo celinayo xiriirkii istiraatiijiga ahaa ee sanadihii danbe la xumeeyey ee Soomaaliya kala dhexeeyey dawladaha Carbeed ee aan walaalaha nahay oo ay ugu horrayso dawladda Imaaraadka Carabta” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Golaha Musharaxiinta.