Xubin ka tirsanaa Shabaab oo isku dhiibay ciidanka Dowladda

72

Wiil Dhalinyaro ah kana tirsanaa Al-Shabaab oo lagu Magacaabo Cusmaan Cabdi Kuusow ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Qeybta 60aad ee ka howlgasha degaannada Koonfur Galbeed.

Cusmaan ayaa Al-Shabaab ku jirey 6 sano isagoona uqaabilsanaa dagaalada, wuxuna ka qeyb qaatey dagaalo dhowr ah oo ka dhacay Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha hoose.

Cusmaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa Saaxibadiisa kale ee ku jira Al-Shabaab ugu baaqey in ay isku soo dhiiban Dowladda isagoona intaas ku darey in Maanta Al-Shhabaab ay san ajeyn kuwa laga sii mid ahaado.

Shalay ayay aheyd markii Abshir Cabdiraxman Cabdi oo ka tirsanaa Al-Shabab u isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Qeybta 60aad ee kusugan Deeganka Goofgaduud Buurey ee Gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed