Saraakiil lagu eedeeyay Afgambigii Xafiiska RW Rooble oo loo yeeray si baaris loogu sameeyo.

34

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasiirka Gaashaandhigga ayaa waxaa loo diray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka waxaa uu kaga dalbaday in loo yeero Illaa Shan Sarkaal Ciidan oo lagu tuhmayo dhacdadii 27 December ee ahaa isku daygii la damacsanaa in lagula wareego Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Saraakiishan ayaa waxa ku jira Taliyaha Guutada 77aad iyo Abaanduulaha Guutada ee Koofiyo casta Ilaalada Madaxtooyada. Guddiga baaritaanka ayaa waday su’aalo weydiin iyo xog uruurin la xiriira qaabkii ay wax u dhaceen iyo cida soo agaasintay.

Taliyaha xoogga ayaa laga codsaday in Saraakiishan in maalinta sabtida ah oo taariikhda tahay 8 Janaayo, saacadda 10:00 barqanimo ay yimaadaan Xafiiska Wasiiro Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, si ay ula kulmaan guddiga baaritaanka uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha.

Xubnaha loo yeeray ayaa waxaa ka mid ah ,Gaashaanle Sare Xasan Aadan Dhicis Taliyaha Guutada 77aad, Gaashaanle Shaafici Nuur Axmed Abaanduulaha Guutada 77aad.,Gaashaanle Dhexe Cabdi Yaasin Cali Kooshin Taliyaha Ururuka 60aad ee Guutada 77aad ,Gaashaanle Xasan Duwane Cumar Abaanduulaha Ururka 60aad, iyo 2 Xidigle Muuse Maxamed Caddow (Shaarib) Taliyaha Koox Horinta Gurmad Ururka 60aad.