Bandow lagu soo rogay magaalada Lamu.

67

Bandow habeenkii ah ayaa lagu soo rogay qeybo ka mid ah ismaamulka Lamu ee u dhow xadka ay wadaagan Somalia iyo Kenya, iyadoo ciidamada ammaanka ay bilaabeen howlgallo ballaaran oo ka dhashay dilka 7 qof oo kirishtan ah.

Bandowga ayaa waxaa Arbacadii ku dhawaaqay Wasiirka Arrimaha Gudaha Fred Matiangi oo uu tibaaxay i meelaha ay dhibaatadu ka dhacday sida Mukunumbi, Witu, Mpeketoni, iyo Hindi ay bandow yihiin xiliyada habeenkii.

“Dadka degan meelaha ay dhibaatadu ka dhacday waxaa laga codsanayaa inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si ay ula wadaagaan xogta kuwa ay Al shabaab ama kooxaha kale ee hubaysam uga shakyaan,” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray.

Siddeed tuhmane ayaa loo soo qabtay weeraradii Isniintii iyo Talaadadii dhacay oo ay ku dhinteen 7 qof oo markii hore loo maleynayay in weerarkaasi fuliyeen rag ka tirsan Al shabab. Kormeeraha guud ee booliska Hilary Mutyambai ayaa tan iyo markaas sheegay in weerarka uu la xiriiro isqabqabsi dhul iyo ujeedooyin kale.

Lix qof ayaa lagu dilay, guryona waa lagu gubay habeenkii Axadda weerar xooggan oo ka dhacay Lamu.