Xukuumadda oo faahfaahin ka bixisay shirka golaha wadatashiga qaran ee galay maalinkii 3aad

55

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maalinkii 3aad ka socda Muqdisho, iyadoo maanta Goluhu la kulmay Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Haweenka.

Shirka oo looga dooday ajandeeyaashii la qorsheeyay ee doorashooyinka iyo amniga ayaa la isugu soo noqon doonaa berri oo Khamiis ah.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa goor dhow warbaahinta u sheegay in Madaxda golaha wadatashiga qaran maanta ay guda galeen qodobada muhiimka ah eek u saabsan doorashooyinka.

Waxaa uu xusay in shirkaan uu sii socon doonno maalmaha  soo socda waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay in qodobo wax ku ool ah ay shirka kasoo baxaan.

Qodobada ugu muhiimsan ee laga hadlaayo waa arrimaha ammaanka iyo doorashooyinka dalka iyo sidii doorashada ay u noqon laheyd mid hufan.