Xubin ka tirsanaa Shabaab oo isku dhiibay ciidanka

72

Abshir Cabdiraxman Cabdi oo ka tirsanaa Al-Shabab ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Qeybta 60aad ee kusugan Deeganka Goofgaduud Buurey ee Gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed.

Abshir wuxuu Alshabab ku jirey Mudo Kudhow Labo Sano wuxuuna u qaabilsanaa dhanka Xisbiyada.

Waxaa uu sheegey in Sababta ku kaliftey in uu Alshabab ka soo baxo ay tahay Dhibaatada iyo go’odoonka ay Shacabka ku hayaan ee deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ka dib markii muuqaal ay ka duubeen ciidanka uu isku dhiibay.

Waxaa uu ugu baaqay dhalinyarada la mid ah ee ka tirsan Shabaab in ay isku soo dhiibaan ciidanka dowladda si dhaqan celin loogu sameeyo.