Guddoomiyaha xisbiga Waddani oo looga yeeray xarunta dambi baarista

51

Waxaa xarunta dambi baarista ee magaalada Hargeysa looga yeeray guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Waxaa markii uu tegayay xarunta CID-da la socday musharraxa madaxweyne ee xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga Waddani.

ilaa hadda lama ogo sababta ka dambeysay in guddoomiyaha looga yeero halkaas.

Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa bishii Novembar loo doortay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.