Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu dilay wadanka Koonfur Afrika.

20

Muqdisho-KNN-2 Muwaadin Oo Soomaali Ah Ayaa Xalay Siyaabooyin Kala Duwan Loogu Dilay Gobolada Gauteng Iyo Mpumalanga Ee Dalka Koonfur Afrika.

Osmaan Adan Ahmed Ayaa lagu dilay dukaankiisa oo ku yaala tuulada Pienaar ee hoostagta degmada Ehlanzeni ee gobolka mpumalanga kadib markii burcad hubeeysan ay weerareeen dukaankiisa xili hore oo xalay ah.

Toogashada kadib burcada ayaa dhac u geeystay dukaanka sida ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah ganacsatada degaanka oo aan la hadlany iyagoo marka kadib baxsaday.

Dhinac kale allah Cabdi Jimcaale Cali Dable, ayaa la dilay halka Axmed C/llaahi Calina dhaawac halis ah, loo gaystay kadib weerar ay koox hubaysan ku qaadeen Dukaankooda oo ku yaalla Deegaanka Soweto oo dhacda duleedka Magaalada Johannesburg ee Dalkani Koonfur Afrika.

South Africa, ayaa aalaaba waxaa ka dhaca falal isugu jira Dilal, Dhaawac iyo Dhac loo gaysto Ajaanibta ay Soomaalida kamid tahay.

Xigasho jaaliyadda soomaliyeed ee koofur Africa.