Golaha wadatashiga Qaranka oo kulan la qaatay xubnaha ka socday mucaaradka.

22

Golaha Wadatashiga Qaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socda Midowga Musharraxiinta oo uu horkacayay Madaxweynahihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

labada dbinac ayaa ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka iyagoo ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada.

Xubnaha Midowga Musharrixiinta ayaa Golaha wadatashiga waxaa ay u gudbiyeen tabashada ay qabaan, iyaga oo u soo jeediyay talooyin la xiriira doorashooyinka si looga gudbo caqabadaha doorashooyinka.

Golaha Wadatashiga Qaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa isla Maanta la kulmaya Xubno matalaya Bulshada rayidka iyo Dumarka, iyaga oo ka dhageysan doona tallooyin ku aadan doorashooyinka.