Sheekh Shariif Oo Soo Dhaweeyay Hadal Uu Maanta Sheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga

41

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ku boggaadiyey hadalka uu Ciidanka Xoogga uga digay inay ku milmaan Arrimaha Siyaasadda.

Sheekh Shariif oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu kusoo dhaweeyay hadalkii Taliye Odawaa ee ku aadan in Ciidanka Xoogga ka fogaadan ku milanka khilaafaadka siyaasadda, ayna Ciidanka diirada saaraan la dagaalanka Al-shabaab.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa hadalka Taliye Odawaa Yuusuf Raage ku tilmaamay inuu yahay hadal waafaqsan sharciga, isla markaana kamid ah baaqyadii horey isaga ugu jeedin jiray Ciidanka dowladda Federaalka.

Waxaan bogaadinayaa aadna u soo dhoweynayaa hadalka ka soo baxay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage ee ku aaddan in Ciidanka Qaranka ka fogaadaan ku milanka khilaafaadka siyaasadda, diiraddana saaraan la dagaalanka argagixisada” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Wuxuu Qoraalkiisa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya kusoo gaba-gabeeyay “Waa hadal sharciga waafaqsan kana mid ah baaqyadii aan jeedinay, Ciidanka waa in ay marwalba ka dhabeeyaan waxa ay u dhaarteen kana fogaadaan qaadasha amarrada qaldan”.

Taliye Odawaa ayaa dhammaaday Ciidamada Qalabka Sida uga digay inay ku milmaan Arrimaha Siyaasadda, isla markaana u sheegay in aysan cid gaar ah u hiilin Karin, wuxuuna faray faray inay dalka ugu shaqeeyaan sidii ay ugu dhaarteen, Balse ay ka reebantahay inay dad isku haysta Siyaasadda ay la kala saftaan.