Madaxweyne Qoor qoor oo soo gaaray Muqdisho

69

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa Maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Adan Cabdulle International Masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada XFS, Maamulka Gobolka Banaadir iyo xubnaha labada aqal ee BFS iyo masuuliyiin iyo madax kale oo ka tirsan Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Qoor Qoor uu Muqdisho u yimid sidii uu u xalin lahaa khilaafka u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Rooble.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda dadaalo lagu dhameynayo khilaafka sii xoogeystay ee u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Rooble, kaasi oo ay wadaan xubno ka tirsan golaha wasiirada Soomaaliya.