Axmed Madoobe oo war ka soo saaray xildhibaanada maanta lagu doortay Kismaayo

32

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) ayaa u hambalyeeyay xildhibaanada maanta loo doortay in ay ka mid noqdaan golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

“Dardar galinta doorashooyinka waa wadada kaliyah ee aan kaga bixi karo maalmahan adag ee dalkeenu ku jiro. Waxaan hambalyo u dirayaa Xildhibaanada ku guulaystay doorashooyinka maanta ka dhacay Jubaland oo kamid noqon doona golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah.”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa hadalkaasi intaasi ku daray”Sidoo kale waxaan uga mahad celinayaa guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka heer Dowlad Goboleed dadaalka ay ku bixiyeen sidii Jubaland looga bilaabi lahaa doorashooyinka golaha shacabka ee Baarlamaanka JFS.”