Madaxweynaha Hirshabelle oo soo gaaray Muqdisho

49

-Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade Internationa Airport kusoo dhoweeyay Wasiirada Gaashaandhigga Amniga Wasiir Ku Xigeenka Warfaafin Xubnaha labada gole ee Dowladda iyo Masuuliyiin kale.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Cali Guudlaawe uu Muqdisho u yimid ka qeyb galka shrka uu iclaamiyay R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, halka wararka qaarna ay sheegeen inuu ka qeyb qaadan doono dadaalada lagu xalinayo xisada siyaasadeed ee u dhexeysa madaxda ugu sareysa ee dalka.