Doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta la qabtay

51

Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ay ku qabteen Guddiga doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland doorashada lix kamid ah kuraasta golaha Shacabka.

Kursiga koowaad ee HOP 203 oo ay horay ugu fadhiday Sahra Xaaji Xuseen Cali ayaa waxaa ku tartamay Xamse Cabdi Barre oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gudiga doorashooyinka Madaxweynenimo ee Jubbaland & Axmed Maxamed Maxamuud, waxaana kursiga ku guuleystay amse Cabdi Barre oo helay 60 Cod, halka Axmed Maxamed Maxamuud uu helay 17, waxaana halaabay 15 cod.

Kursiga labaad ee HOP082 oo uu horay ugu fadhiyay Xamza Sheekh Xuseen Colow ayaa waxaa Maanta ku tartamay Cabdirashiid Jire Qalinle oo ah Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland iyo Siyaad Aadan Iidle, waxaana kursiga ku guuleystay abdirashiid Jire Qalinle, isaga oo helay 75 cod, halka Siyaad Aadan Iidle uu helay 20 cod, waxaana halaabay Afar cod.

Kursiga Saddexaad ee HOP217 ayaa waxaa ku tartamay Xasan Cabdi Cismaaciil (XasanYare) oo ku fadhiyay Afartii sano ee la soo dhaafay & Maxamed Faarax Muxumed, waxaana kursiga ku guuleystay asan Cabdi Cismaaciil (XasanYare) , kaas oo helay71 cod, musharixii la tartamay ee Maxamed Faarax Muxumed ayaa waxaa uu helay 20 Cod, waxaana halaabay 4 cod.

Kursiga Afaraad ee HOP108 ayaa waxaa ku tartamay Maxamed Cali Cumar oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay iyo Ibraahim Cabdulle Ibraahim, waxaana kursiga kusoo baxay Maxamed Cali Cumar, isaga oo helay76 cod, Ibraahim Cabdulle Ibraahim ayaa isna helay 19 Cod, waxaana halaabay 4 cod.

Kursiga Shanaad doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo ayaa kursiga HOP113 waxaa ku tartamay Wasiirka Gaadiidka Dekadaha & Gaadiidka Badda dowladda Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac & Seynab Cali Muganga, waxaana kursiga ku guuleysatay Wasiir Maryan Aweys Jaamac oo heshay 83 cod, halka Seynab Cali Muganga ay heshay 17 Cod, iyada oo ay halaabeen laba cod.

Kursiga lixaad ee ugu dambeeya doorashadii Maanta ayaa waxaa kursiga HOP134 ku tartami lahaa Sahra Jaamac Cali (Qorsheel) oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiday kursiga & Fartuun Axmed Yuusuf, balse Fartuun ay tanaashisahy, waxaana cod gacan taag ah loogu codeeyay ugu guuleystay Sahra Jaamac Cali (Qorsheel) oo heshay 97 qof, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Jubbaland Siyaad Maxamed Mursal.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Magaalada muqdisho lagu qabto doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi, halka Magaalada Baydhabo ay ka dhaceyso doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.