Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray mid kamid ah wadooyinka Muqdisho.

59

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha waddada xiriiriso Degmooyinka Waabari, Xamar Jajab iyo degmada Xamar Weyne taa oo dhawaan maamulka gobolka Banaadir dib udhis ku sameeyay.

Wadadan uu xariga ka jaray duqa magaalada Muqdisho, ayaa sidoo kale ayaa ah mid isku xirto Isgooska Shabeele illaa Isbitaalka Martiini, sidokalana waxay soo hormartaa xarunta Beerta Nabada iyo Biyaaso Liibaro.