Shiikh Shariif oo ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo inuu caqabad ku yahay doorashooyinka

50

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho, taasi oo ka dhalatay khilaafka u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Rooble.

Madaxweyne Shariif ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday inuu aad uga xun yahay tallaabadii uu shalay qaaday madaxweyne Farmaajo, taasi ku saabsan shaqo ka joojintii uu ku sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waxaa uuna talaabadaasi uu ku tilmaamay sharci darro uu ku dhaqaaqay maadxweyne Farmaajo

Sidoo kale Shiikh Shariif ayaa waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in Ciidanka loo adeegsado dano gaar ah, islamarkaana waxaa uu ka digay in ciidanka ay ku milmin arrimaha siyaasadda dalka,gaar ahaan dhinacyada iska soo horjeeda.

Shiikh Shariif ayaa Madaxweyne Farmaajo ka dalbaday in uu Ra’iisul wasaaraha kaga leexdo arrimaha doorashooyinka dalka, maaddaama uu horay ugu wareejiyay arrimaha doorashooyinka, iyadoo uu intaa ku daray in Farmaajo uu carqalad ku hayo horay u socodka doorashooyinka dalka.