Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo xasaanada ka qaaday Saddex Xildhibaan

74

Xildhibaanada Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa cod gacan taag ah xasaanada uga Qaadey Saddex Xubnood oo ka tirsan Baarlamanka Koonfur Galbeed ka dib markii uu dacwad ka keenay  Xafiiska Xeer ilaalinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Saddexda Xildhibaan ayaa lagu eedeeyay in ay dambi ka galeen Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ,iyo kicin bulsho. Xildhibaanadaas oo kala ah Xildhibaan Ismaacil Ahmed Cabdullahi , Xildhibaan Xasan Maxamed Guudow, iyo Xildhibaan ibraahim Macalin Cali.

Eedeynta Xildhiibanada ayaa waxaa Baarlamaanka hortooda ka soo jeediyey Xeer ilaaliyaha Guud ee Koonfur Galbeed Abukaate Sheekh Aadan Mukhtaar (Shuuri)

Kulanka Baarlamanka Koonfur Galbeed waxaa Maanta xaadirey 63 mudane , Waxana cod loo qaadey in kalsoonida lagala Noqodo Saddex Xildhibaan waxaa ogolaadey 38 waxaa diidey 10, iyada oo ay ka Aamuseen 15 mudane, sida uu
ku dhawaaqey natiijada codeynta Guddoomiyaha Baarlamanka KGS Dr Cali Saciid Faqi.