Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo sheegay in beri qabanayaan doorashada lix kursi

40

Guddoomiyaha Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland Dr Siyaad Maxamed Mursal ayaa shaaciyey in maalinka barri ah oo ku beegan taariikhda 28-December-2021 ay dhici doonto doorashada kuraasta 6-da ah ee la shaaciyey.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray inay soo gaba gabeeyeen diiwaangalinta iyo shahaado siinta musharaxiinta u tartamaya kuraasta 6-da ah ee horey Guddiga u shaaciyeen, kuwaas oo kala ah.

1: HOP-082
2: HOP-108
3: HOP-113
4: HOP-134
5: HOP-203
6: HOP-217

Sidoo kale wuxuu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed inay soo dhameeyeen diiwangelinta 30 Oday oo soo xulayay Ergada dooraneysay lixda kursi ee Golaha Shacbaka, kuwaas oo doorashadooda Beri ka dhaceyso Magaalada Kismaayo.