Wasiirka amniga”Maanta dalka waxaa ka dhacay isku day afgambi, balse fashilmay”

34

Muqdisho-KNN-Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa facebook-ga waxaa uu ku sheegay in dalka uu ka badbaaday afganbi fashilmay.

Wasiirka amniga ayaa sidoo kale sheegay in la difaaco dimiqoraadiyada iyo Dowladnimada Soomaaliya.

“Waxaan shacabka u xaqiijinayaa in uu maanta ka dhacay dalka isku day afganbi balse fashilmay uuna hogaaminayay Madaxweynihi Muda xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ku baaqayaa in ladifaaco dimiqoraadiyada iyo Dowladnimada doorasho haa#afganbi maya,,

Hadalka wasiirka amniga ayaa ku soo aadayo, iyadoo weli xiisad kacsanaan ah ay u dhexeyo madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Rooble.