RW Rooble oo xafiiskiisa lug ku tegay ka dib xiisaddii taagnayd

48

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa tagay xafiiskiisa kadib markii taliyayaasha milatariga iyo booliska ee Federaalka ay gacan ka gaysteen in xiisadda ka taagnayd Madaxtooyada hoos loo dhigo, sida ay sheegeen Illo ku dhawdhaw xafiiskiisa Ra’isul Wasaaraha.

Qoraal horay loogu shaaciyay bogga xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shaqada Ra’iisul Wasaaraha soo farageliyay uuna isku dayay inuu ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay inay tallaabooyinkaasi baal marsan yihiin dastuurka iyo sharciyada dalka, “mas’uuliyadda wixii ka dhashana waxaa qaadaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.”